Sunday, February 4, 2024

GANACSIGA (1)

Ganacsi waxaa loo yaqaanaa howlaha isweydaarsiga alaabta, adeegyada, ama labadaba, oo dhexmara laba dhinac ama in ka badan; iyada oo laga jawaabayo baahiyaha shuruudaha iyo rabitaanka dhinacyada ee kusaabsan tayada, tirade, qiimaha, goobta, nooca lacagta, xeerka iyo qawaaniinta dalalka iwm. taasoo ujeedadeedu tahay faa’ido si loogaadho isbadal dhaqaale.

Taariikh ahaan bilowgii aduunyada aadamuhu waxaa uu soo maray marxalado noolaleed oo kala duwanaa oo ay ugu horeysey kali/ koox unoolaansho iyaga oo quudkooda kasoo saari jiray ugaadhsiga iyo midho gurashada, muddo kadib waxaa bulshooyinku bilaabeen in ay goobo kusoo uruuraan iyaga oo qaab nolaleedkoodi isbadalay oo bilaabay nolal wadareedyo iyo beero qodasho, ilbaxnimadaas ayaa keentay in waxa uu badhkood haysto oo mararka qaar kabadan baahidiisa uu kan kalana ubaahan yahay, waana meesha uu kabilowday kala doorsiga/badalashada midhaha iyo alaabaha o/o ah waxa aynu manta unaqaano ganacsiga.

Sidaa daraadeed ayaa la odhan karaa in ganacsigu yahay mid labilowday ilbaxnimadii iyo baraarugii aadamaha ee xiliyadii hore, ilaa iyo maantana ganacsigu waxaa uu lasocdaa hadba marxaladda nolaleed ee bulshooyinku marayaan ilaa aan manta gaadhnay waxa loo yaqaano ganacsiga il-ma’aragtayga ah (E-commerce),

Carabtu islaamka kahor waxa ay kashaqaysan jireen ganacsiga, waxaana uu kamid ahaa shaqooyinka ay aadka ugu jecelyihiin, waxaa xirfadda ganacsiga kashaqyn jiray dabaqada sare ee bulshada sida amiirada, hogaaminta dhaqanka, abwaanada, cuqaasha iwm, waxa ayna lahaayeen waqtiyo ay ubaxaan safarada ganacsiga oo lagusheegay qur’aanka (li’iilaafi qureysh iilaafihim rixlata shitaa’I wa seyf) iyo suuqyo waawyn oo ay wax kukala iibsan jireen sida suuqa cukaad iwm. Markii uu islaamku yimid waxaa uu qiray ganacsiga; waxaana soo dagay aayado iyo axaadiis dib loogu habeyayo qaabka ganacsiga oo lagaga ilaalinayo wixii xaaraameynkara sida ribada, qishka, khayaanada iwm.

Dadaalada ganacsi ee uu sameeyo shaqsigu waxaa ay hal-beeg utahiin koboca dhaqaale iyo ilbaxnimo ee uu qofkaasi hiigsanayo, iyo saameynta wanaagsan ee qofkaasi bulshada kuyeelanayo, waayo waxaa la ogaaday in ganacsigu uusan ahayn oo kaliya usluub lagu hormariyo dhaqalaaha bulshada, laakiin sidoo kale uu kaqayb qaato isdhexgalka iyo gudbinta dhaqamada, ilbaxnimada iyo xiriirka bulshooyinka; gaar ahaan marka uu kagudbo xuduudaha wadamada iyo qaaradaha, waxaana taas tusaale u ah in Ganacsatadi muslimiinta ahayd ee gaadhay wadamada koonfur-bari iyo bariga fog ee qaaradda asia qarnigii 7aad oo sitay Dhaqan, akhlaaq, is-dhexgal iyo wada-noolaanshaho kusaleysan islaamka, ay sabab u noqdeen fidinta diinta Islaamka. Taas ayaana sabab unoqotay in wadamada manta ugu muslimiinta badan caalamka ay qaataan islaamka iyaga oo aan dagaal iyo wax kale midna arag.

Ganacsigu waxaa uu leeyahay ahamiyad weyn oo isugu jirta mid aduun iyo mid aakhiro labadaba, waxaadna dareemaysaa sida Allah (SWT) ugu xusay qur’aanka kariimka ah 11 aayadood kalimadda (tijaara), waa muhiimad gaar ah oo lasiiyay. sidoo kale sunnada Nabiga (NNKH) ayaa  maqaam sare siisay ganacsiga, maadaama uu ka mid yahay wadooyinka kasbashada wanaagsan ee Islaamku ku booriyay kuna amray, waxaa rasuulka (SCW) la weydiiyey: Shaqsigee ugu wanaagsan? Wuxuu yiri: “Ninka shaqadiisu gacantiisay ku jirtaa, iib kastana waa xaq”.

Maanta Ganacsigu waxaa uu raad la taaban karo kuleeyahay qaybaha kaladuwan ee noolasha, dhaqanka, dhaqaalaha, siyaasadda, dhaqanka, caafimaadka maskaxda, firfircoonida, hal-abuurka shaqsiga iyo bulshadaba. Waana tan keentay in dadka ganacsada ay kanoolal iyo daganaansho fiican yihiin dadka shaqaalaha ah. Sidaa daraadeed haddii aad raadinayso qaab-nololeed xor ah, madaxbanaan oo aad u xiisaynayso inaad wax cusub samayso, ama aad rabto inaad si dheeraad ah u maamusho shaqadaada oo aad maasho kartidaada, waxaa jira faa'iidooyin badan oo laga helo ganacsiga oo shaqsi ahaan iyo bulsho ahaanba kugu dhiiri-galinaysa in aad ganacsi adiga kuu gaar ah.

No comments:

Post a Comment

Hal-abuurka Ganacsiga -1

  In-badan asbuuca kowaad ee sannadka cusub, waxay diiraddu ii saarnayd mawduuca ah “Diyaargarow ganacsi”, markii aan gudo-galnay waan bilaa...