Waxbarashadu waa geeddi-socod lama huraan u ah nolosha aadamaha taasoo fududeysa horumarkooda dhaqan-dhaqaale iyo bulsho, si loo helo aqoontaas qofku waxa uu umaraa habab iyo wadiiqooyin kala duwan oo ay ugu muhiimsan tahay Wax-akhrintu; oo aan ognahay ahamiyadda ay diinteenu siisay iyo in aayadii ugu horeeysay ee Allah (SW) uu kusoo dajiyay Nabigeenna (NNKH) ay "IQRA" ahayd; Taasoo ah amar rabaani ah in uu qofku wax akhriyo si uu ukala garto waxa uwanaagsan aduunkiisa iyo aakhiradiisaba; taas ayaana keenta ay noolasha casriga ah aysan marnaba kamaarmin horumarinta akhriska iyo fagaarayaal arimahan lagu falanqeeyo.
Bandhigga buugaagtu waa madal aqooneed waqtile
ah ay isugu yimaadaan aqoonyahanka, culimada, hal-abuurka, qalinleyda,
hogaaminta siyaasadda iyo kuwa dhaqanka, ganacsatada, iyo ardeyda oo ay isku
waydaarsadaan fikiradaha, macluumaadka, aqoonta, buugaagta, dhaqanka iyo
sooyaalka bulshada; islamarkaana ay kaga doodaan mowduucyada ahamiyadda uleh
horumarka iyo xasiloonida bulshadaas.
Hirgalinta fagaarayaasha noocan oo kale
ah waxay abuurtaa jawi dhiirri-galiya dhalinyarada in wax qoraan waxna
akhriyaan, maadaama lagusoo bandhigayo buugaagta taariikhda, juquraafiga, dhaqanka,
dhaqaalaha, siyaasadda, fanka, sheekooyinka, iyo kuwo kale, waxa kale oo ay
kobcisaa wacyiga guud ee bulshada, maadaama halkaas laga helayo cilmi-baadhisyo,
xogo cusub, fikrado iyo hab fikir oo caawiya xallinta mashaakilaadka. Waxay
sidoo kale Bandhigyada buugaagta waxay bixiyaan wax ka badan helitaanka
buugaagta ardayda. Waxay u bandhigaan dhaqamo kala duwan, waxay ku xidhaan
qoraayaasha ay jecel yihiin, kobciyaan danahooda akhriska iyo dhiirigelinta
iyaga. Sidaa darteed, ardaydu waa inay ku dadaalaan ka qaybgalka bandhigyada
buugaagta.
Taariikhda waxaa ku xusan in markii ugu
horaysay bandhig buugaageed lagu qabtay dalka Maraykanka 1960, ka gadaal markii la darsay in ay jirto baahi
la xidhiidha cilmiga iyo dhaqan is waydaarsiga, sidoo kale na waxay aad ugu
bukeen suuq ama madal ay ku kulmaan qoraaga iyo akhristuhu, fikirkan bandhigga
na waxa gadaal ka riixayay aqoonyahanno u dhashay dalkaas oo rumaysnaa in ay
rabaan dhaqamada dadyow kale iyagana dhaqankooda la barto si is dhex gal u
imaan karo; intaas kadib ayaa aqoon yahanka iyo xarumaha wax-barashada ee
wadamada kaladuwan bilaabeen in ay qabtaan fagaarayaasha kala duwan bandhigga
buugaagta.
No comments:
Post a Comment