Sunday, February 4, 2024

Fikirka guud ee Bangiyada (The consept of Banks)

Bilowgii taariikhda qaab-noolaleedka aadamahu waxa uu soo martay habab iyo marxalado kala duwan oo ay ugu horeeyey kali/koox unoolaansho; taasoo noolashoodu kusaleysneyd  ugaadhsiga iyo midho gurashada. Marxaladi labaad ayaa ay bulshooyinku bilaabeen in ay goobo kusoo uruuraan iyaga oo qaab nolaleedkoodi isbadalay oo bilaabay nolal wadareedyo iyo beero qodasho, ilbaxnimadaas ayaa keentay in waxa uu badhkood haystaan oo mararka qaar kabadan baahidooda ay kuwo kale ubaahan yahiin, waana meesha uu kabilowday kala doorsiga/badalashada alaabaha oo ah waxa aynu manta unaqaano ganacsiga. Taasoo kadhigan in ganacsigu uu labilowday ilbaxnimadii iyo baraarugii aadamaha ee xiliyadii hore, taas ayaana markii danbe uu kadhashay fikirka kaydsiga iyo dayminta oo ah qaar kamid ah adeegyada ugu muhiimsan ee ay qabtaan bangiyada manta.

Asalka adeegyada bangiyada waxaa ay lasoo bilowdeen ilbaxnimadii hore ee soomaray aadanaha. waxaa si aad ah ubaahday dhaqanka ah in lagu keydiyo biraha iyo qadaadiicda qaaliga ah meel ammaan ah iyo in lacag laga amaahiyo dadweynaha oo dulsaar ah.

1.1.   Luuqad ahaan kalimada “BANK” waa kalmad ingiriis ah macnaheeduna yahay meel dhul ah oo godan ama jooggedu hooseeyo, laakiin isticmaal ahaan macnuhu sidaas waa uu kaduwan yahay oo waxaa loo isticmaalaa in uu yahay xarun ama shirkad maaliyadeed; waxaana Eray ahaan makii ugu horaysay laga isticmaalay magaalada Venice ee dalka Talyaaniga, ereygan waxaa laga soo min guuriyay erayga “Banco” oo ah eray talyaani ah macnihiisuna yahay miis, kaasoo ay ganacsatadu u isticmaali jireen goobaha ay bulshadu ku badan tahay si ay wax u kala iibsadaan ama wax u kala badashaan.

Isticmaal ahaan kalimadda bangi waxaa loo yaqaanaa in ay tahay mu’asasad maaliyadeed oo kashaqeysa aqbalaadda, dhigaalka, amaahinta lacagaha iyo qabashada adeegyo kale oo maaliyadeed (oxford dictionary)

Dhinaca isticmaalka erayga “BANK” siyaabo kala duwan ayey uqeexeen culimada ka faalooda arimaha dhaqaalaha iyaga oo dhinacyo kala duwan ka eegaya; waxaana qeexitaanadoodi kamid ah:

Bangiyadu waa shirkado/hay’ado maaliyadeed oo aqbala dhiibaasha lacageed ee si guud iyo sida gaarka ahba loo leeyahay kadibna hantidaas u isticmaala dayminta iyo maalgalinta si ay faaiido uga dhalayaan.

Bangiyadu waa hay'ado maaliyadeed oo dhexdhexaad ah oo fududeeya habka dhaqdhaqaaqa iyo dalabaadka lacagta, markaa qofkii haysta hanti dheeraad ah oo ka badan baahidiisa wuxuu dhigtaa bangiga, ka dibna bangigu wuxuu amaahiyaa qofka u baahan si uu usoo celiyo waxaa laga dhigaa rahan ama damaanad la’eg ama kabadan amaahda uu qaadanayo.

Taas ayaa kadhigan in bangiyadu yihiin shirkado loo yagleelay in ay aqbalaan dhiibaasha iyaga oo qofka siinaya fursad uu kaga qaato markasta iyo meel kasta oo uu ugu baahdo; iyaga oo lacagtaasi kaga shaqeeya maalgalino kala duwan oo kuqotoma xaqiijinta qorshaha koboca dhaqaalaha dalka iyo siyaasadaha guud ee howshaas kuwajahan. Sidoo kale waxay bangiyadu kor uqaadaan kaydinta iyo maal-galinta mashaariicda iyaga oo tixraacaya jaan-goynta bangiga dhexe qaranka, iyaga oo bixiya adeegyo maaliyadeed oo isticmaalaya qaabab, waqtiyo iyo heerar kala duwan.

Guud ahaan, bangiyada macnaheedu waa hay'ad aqbasho dhigaalka xisaabaadka kala duwan oo bixiya amaah noocyo kala duwan. Bangi waa machad ka shaqeeya lacagta iyo deynta. Waxay aqbashaa dhigaalka dadweynaha waxayna ka dhigtaa sanduuqa inay helaan dadka lacagta u baahan waxayna ka caawisaa lacagaha meel loo diro meel kale. Dhab ahaantii, bangiga casriga ahi wuxuu qabtaa shaqooyin kala duwan oo ay adagtahay in la bixiyo qeexitaan sax ah oo guud.


No comments:

Post a Comment

Hal-abuurka Ganacsiga -1

  In-badan asbuuca kowaad ee sannadka cusub, waxay diiraddu ii saarnayd mawduuca ah “Diyaargarow ganacsi”, markii aan gudo-galnay waan bilaa...