Sunday, February 4, 2024

TAARIIKHDA BANGIYADA (2)


Asalka raad-raaca nidaamka maaliyadeed ama bangiyadu waxaa ay lasocotay fikrada ganacsiga iyo marxaladihiisi kala duwanaa ee uu soomaray, waxaase ilaa hada taariikhda lahayaayi cadeysey in adeegyada bangiyadu ay kasoo askumantay ilbaxnimadii hore ee baabil, romaniyiinta iyo giriigga, qiyaastii sanadkii 2000 BC, xilligaas oo ay ganacsatadu bilaabeen in ay beeraleyda amaahiyaan hadhuudh iyo in ay badeecado ula kala gooshaan magaalooyinka aagagga Ashuur iyo Baabil. halkaas oo boqorrada iyo dabaqadaha sare ee bulshadaasi ay lahaayeen hanti aad u badan oo dahab ah, taasna ay keentay in lagu fikiro helidda meel ammaan ah oo lagaga badbaadiyo tuugada, ilaa ay go'aansadeen in goobaha cibaadadu tahay meesha ugu habbon ee hantida lagu kaydin karo, maadaama ay tahay meel dhismayaal adag leh, dadkuna ujoogaan cibaado, tuuguna uusan kusoo dhiiraneynin.

Sida ay qaar kamid ah taariikhyahanada dhinaca dhaqaaluhu cadeeyeen in qarnigii 18 aad BC ee Baabuloon, in ganacsatada oo dahab iyo hantiilayaasha ukaydsanaayeen dahab iyo hanti aad ubadan, xilli dowladda iyo suuqa ganacsigu ay baahi weyn u qabeen, halkaas ayaa waxaa kadhalatay aragtida odhaneysa inay ka faa’iideystaan ​​dahabkan si ay u xoojiyaan dhaqalaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, waxaa sidoo kale xilligaasi laqoray xeer jaangoynaya nidaamka ganacsiga guud ahaan gaar ahaanna nidaamka maaliyadeed kaasoo loo yaqaanno xeerka xaamuraabi.[1] Kan oo soo bilowday qiyaastii 1772 BC, ayaa ah mid ah qoraallada ugu da'da weyn oo ka hadlaya arrimaha iibka oo dejinaya shuruudaha wax kala iibsiga. Xeerkani waxa kale oo ku jiray jaan-goynta habab maareynta deymaha, dulsaarka, iyo dammaanadaha.

Xiligii boqortooyooyinkii Giriiggii iyo Roomaanka, ayaa horumar badan oo laga sameyay dhinaca adegyada maaliyadeed, waxaana ugu muhiimsanaa; aqbalaada dhigaalka/kaydinta hantida macaamiisha, dayminta dadka dayn doonka ah, qoraalka xeerka maareynta daymaha, dhigaalka deebaajiga, lacagna way beddeleen oo lacag kale ayay ku beddeleen, oo waxay tijaabiyeen qadaadiic miisaan leh.

Ka dib markii ay dhamaatay ilbaxnimadii Giriiga, Roomaaniyiintu waxay isku hawleen horumarinta nidaamka/ Adeegyada bangiyada Giriigga qarnigii labaad ee AD, taariikhda maaliyadeed iyo bangiyada waxay saameeyeen kor u kac muhiim ah ee wakhtigoodii, talaabadii ugu horeysay ee la taaban karo waxay ahayd inay sameeyeen bangiyada ka madax bannaan macbadyada, oo waxay u dhiseen dhismayaal gaar ah.

Waxa ay bangiyadu soo shaac baxeen kadib horumarkii kuyimid arimaha sariflayaasha oo kubilaabay in ay aqbalaan dhiibaasha (dahabka iwm) iyaga oo qofka kaqaada kiro maadaama ay u haynayaan, waxayna qofka siin jireen wax cadeynaya amaanada ay u hayaan, muddo kadib waxaa sariflayaasha gacantooda soo gashay hanti badan oo dhiibaal ah, halkaas ayey kadhalatay fikradda ah in looga faa’idayn karo in dayn lagu siiyo kuwa ubaahan lana dulsaaro faa’iido (ribo) qayb ahaan ay qaataan sariflayaashu qaybna lagu celiyo milkiilayaashi si loogu dhiiri galiyo in ay wax badan soo dhigtaan.



[1] Xeerkan ayaa loogu magacdaray boqor xaamuraabi oo xilligaas katalinayay baabil. 

No comments:

Post a Comment

Hal-abuurka Ganacsiga -1

  In-badan asbuuca kowaad ee sannadka cusub, waxay diiraddu ii saarnayd mawduuca ah “Diyaargarow ganacsi”, markii aan gudo-galnay waan bilaa...